Gudoomiyaha koobaad ee golaha wakiilladda Md. Siciid Mire Giire ayaa bookhasho ku tagay aqalka baarlamanka gobolka Bremen ee dalka Jarmalka. Gudoomiye ku xigeenka waxa halkaa ku soo dhaweeyey isaga iyo aqoonyahano reer Soomalilaan ah oo dagan gobolka, xildhibaan Basem-khan oo ka tirsan xisbiga SPD.
Intii gudoomiye ku xigeenku ku jiray bookhashadiisa, waxa uu dawladda Jarmalka kala hadlay sii xoojinta xidhiidhka labada dawladood iyo in xildhibaannada gobolka Bremen ay kala shaqeeyaan ictiraafka ay aduunwaynaha ka raadinayso Soomaalilaan, maadaama oo ay ku talaabsatay horumar la taaban karo.