Gole Watch

Buggaag iyo Agab-Sharci Oo Haaya’da Planck Foundation Ku Wareejisay Golaha

Shirguddonka Golaha Wakiillada oo uu hoggaaminayo guddoomiyaha Golaha Wakiilladda Md. Yassin Maxamuud Xiir (Faratoon) kuna wehelinayey guddoomiye ku-xigeenka Golaha Md. Siciid Mire Faarax (Giire) iyo xog-hayaha guud ee golaha Cabdirisaaq Siciid Ayaanle ayaa haa’yada Max Planck Foundation kala wareegay buggaag iyo agab sharci. Agabkan ayuu goluhu ku tilmaamay in uu waxwayn ka taridoona kor u qaadida tayada sharciga iyo xeerdejinta.

Buuggaagta iyo qoraalada mihiimka ee ay Max Planck Foundation ku wareejisay Golaha ayaa kala ahaa:

  1. Buug-yaraha Habraaca Xeer-qorista ee Somaliland

(LegislativeDrafting and Process Manual)

Qoraalkani waxa uu diirada saarayaa hab-raaca loo maro xeer dajinta islamarkaana uu u noqon lahaa xeer tayadiisa sharci ahaaneed ay xoog u sarayso

  1. Buugga Eray-bixinta Sharciga ee Somaliland.

Buugan waxa lagu faahfaahiyey erayada af-soomaliga iyo kuwa u dhigma ee sharciga kaas oo golaha ka caawindoona diyaarinta sharciga iyo hab-raaciisa.

  1. Shan Majaladood oo Xeerar ah (2002–2024).

Waxa lagu ururiyey xeerarka ka soo baxay tan iyo markii la dhaqangaliyey dastuurka Somaliland 2001. Habka waxa uu ka caawinayaa sharciyaqaanada iyo bulshada kaleba in ay si fudud u helaan sharciyadii Somaliland oo ay ugu dabaqaan nolol maalimoodkooda shaqo.

  1. Qoraalka (Draft) Xeerka Habraaca Xeer-dejinta

(Legislative Process Act).

Xeerkan marka la ansixiyo waxa uu cadayndoonaa hab sharcidajinta illa madaxwaynuhu ka ansixinayo. Waxa uu isna ka saaridoonaa Meesha nidaamka sharci dajinta la xidhiidha.

Xigasho: Warbaahinta Golaha

Scroll to Top