Gole Watch

Dooda Wax-kabedelka iyo Kaabista ee Xeerka Xukuumadda iyo Haaya’daha Madaxa Banaan.

Mudanayaasha golaha wakiillada ayaa doodooda ka dhiibtay xeerka wax-kabedelka iyo kaabista nidaamka xukuumadda iyo haa’yadaha madaxa banaan. Xeerkan ayaa ka mid ah ajandayaasha horyaala kal-fadhigan golaha wakiillada.

Xeerka Lr 71/2015 ayey golaha wakiilladu ansixiyeen 2016-kii. Xeerka oo ka koobnaa 107 qodob ayey golaha wakiilladu kal-fadhigii 12aad kaga doodeen wax-kabedelka iyo kaabista xeerka oo ka mid ahaa ajandayaasha horyaalay kal-fadhigan. Mudanayaasha ayaa wakhti loo siiyey in ay ka doodaan meelaha u baahan in wax-kabedel iyo kaabis lagu sameeyo. Dooda Mudanayaasha ayaa socondoonta kal-fadhigan 12aad waxa aanay go’aan ka gaadhidoonaan wax ka-bedelkiisa iyo ansixintiisaba.

Scroll to Top