Sida uu dhigayo xeer hoosaadka golaha wakiillada XEER LR 12/2014 qodabkiisa 52 aad waxa uu sheegayaa in goluhu yeelandoono guddi hoosaadyo joogto ah iyo kuwa gaar ah.
Guddi hoosaadyada golaha wakiillada ee ku xusan xeerku waa 11 guddi hoosaad kuwaas oo mid waliba ay u taagantahay shaqo gaar ah.
Sida uu xeerku dhigayo waxa xubnaha guddiyada xilka xulistooda iska leh guddoomiyaha, isaga oo tixgalinaaya aqoontooda cilmiyeed iyo waayo aragnimo ee ay xubnuhu u leeyihiin hawlaha loo xilsaaray.
Sidoo kale, waxa uu xeerku dhigayaa in muddo xileedka guddi kastaa tahay hal sano ugu yaraan.