Gole Watch

Xeerka Diblomaasiyadda

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibada Cabdiraxmaan Daahir Adam ayaa isniintii 11 Ogos 2025, Golaha Wakiillada ka hor akhriyey xeerka diblomaasiyadda ee Somaliland. Wasiirka ayaa si qotodheer u sharaxay dhammaan qaybaha iyo masuuliyaadka uu koobsanayo xeerkani. Mudaddii u dhaxaysay Jeeniwari illaa Juun waxa ay wasaaradu dhamaystirtay diyaarinta xeerkan. Golaha wasiiradda ayaa ansixiyey xeerka diblomaasiyadda iyada oo loo gudbiyey xafiiska garyaqaanka guud si uu sixid iyo wixii ka dhiman ugu daro. Waxyaabaha ugu waawayn ee uu koobsanayo xeerkani ayaa ah, shuruudaha iyo aqoonta lagu xulandoono dhammaan danjirayaasha matalaya safaaradaha dalka, waajibaadka shaqaalaha iyo ergooyinka, qaabaynta dhismaha safaaradaha iyo ergooyinka oo si cad loo qeexay doorka danjiraha, doorka danjire ku-xigeenka, xoghayayaasha iyo ergooyinka joogtada ah. Xeerka ayaa sidoo kale si waafi ah u qeexaya u olalaynta aqoonsiga caalamiga oo ka mid ah shaqada wasaaradda. Wasiirka ayaa xildhibaannada ka codsaday in ay ansixiyaan xeerkan. Kal-fadhiyada soo socda ayaa la rajaynayaa in ay xildhibaannadu ka doodaan xeerka inta aanay ansixin ka hor. Xeerkan ayaa noqonaya mid uu dalku yeesho oo mihiim u noqondoona xidhiidhka arrimaha dibada iyo la macaamilka beesha caalamka.

Scroll to Top