13 Juun, fadhigii 11aad ee kal-fadhiga 14aad ayaa ka qabsoomay xarunta golaha wakiillada. Fadhiga ayuu guddoominayey guddoomiyaha golahu Md: Yasin Maxamuud Xiir (Faratoon)
Fadhigan ayey goluhu ku ansixiyeen labada xeer
- Wax kabadalka iyo kaabista xeerka Booliska
- Wax kabadelka iyo kaabista xeer maamulka maaliyadda
Labadan xeer oo golaha horyaalay oo ay ka doodeen ayuu madaxawaynuhu dib ugu soo celiyey si ay uga baaraandagaan una eegaa soo jeedimaha madaxawaynaha ayey goluhu dib uga doodeen si dastuurka waafaqsan. Dood kadib, waxa ay cod aqlabiyad ah ku ansixiyeen wax kabedelka iyo kaabista labada xeer iyaga oo ku raacay soojeedimihii madaxwaynuhu u soo jeediyey.
