Fadhigii 20/06/2026 ee golaha wakiillada ayaa cod aqlabiyad ah ku raacay soo jeedintii madaxwaynaha ee xeerka haay’da maaraynta masiibooyinka iyo kaydka raashinka qaran (NADFOR).
Sidoo kale golaha wakiillada ayaa ka diiday soo jeedintii madaxawaynaha ee xeerka wax ka bedelka iyo kaabista maamulka maaraynta korantada Somaliland. Xeerka hal xildhibaan ayaa taageeray halka 59 muduna ay diideen 2 mudanana ay ka aamuseen.
